SAWIRRO:-Madaxweynaha JFS Oo Kulan La Qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Kulankaan u dhexeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, nabadgelyada gobolka iyo dardargelinta is-dhexgalka dhaqaalaha Geeska Afrika.

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa maanta waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo,isagoona casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Dhinca kale Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa iyana kulamo la yeelanaya dhiggooda dalka Itoobiya si loo xoojiyo wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.

Safarkan waxa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal sarsare oo ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.