Dowladaha Soomaaliya Iyo Masar Oo Kulan Khaas Ah Yeelan Doona

0

Xilli ay Siyaasadda Mandiqadda u muuqato mid calawsan, isla markaana ay Dowladaha Ethiopia, Eritrea, Kenya iyo South Sudan yeelanayaan Isbahaysi aysan Somalia iyo Jabuuti xubno ka yihiin ayaa waxaa haatan socda dadaal lagu qiimeeynayo Issbahaysiyadaas saddex geesoodka ah.

Wararka aynu ka helayno caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa waxay sheegayaan in Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Somalia iyo Masar maanta yeelan doonaan Kulan Siyaasadeed lagu falaanqeyn doono Xaalladihii ugu dambeeyey ee dalka Somalia iyo Dhaqdhaqaaqyadda Isbahaysiyadda Siyaasadda ee haatan ka socda Mandiqadda.

Warbaahinta dalka Msaar waxay sheegayaan in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar, Samiix Shukri uu maanta Xafiiska ku qaabili doono dhigiisa dalka Somalia, Axmed Ciise Cawad.

Kulanka labada Wasiir ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Madaxweynayaasha dalalka Kenya, Eritrea iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia kulan saddex geesood ah ku yeesheen caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, halkaasi oo ay ku dhisteen Isbahaysi 3-geesood ah, kaasi oo u muuqda inuu meesha ka saaray Heshiiskii hore eeay Madaxda dalalka Somalia, Eritreria iyo Ethiopia sannadkii hore ku yeesheen caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Si kastab ha ahaatee, Isbahaysiyadda Siyaasadeed ee ay hor boodayaan Dowladaha Ethiopia, Eritrea iyo Kenya ayaa waxa uu ku soo beeegmay, iyadoo uu Somalia iyo Kenya ka dhexeeyo Khilaaf Siyaasadeed iyo Muranka ka dhashay Milkiyadda Xuduud-baddeedka ay labadaasi dal ka wadaagaan Badweynta Hindiya.