DHAGEYSO:-Ra’iisulwaaaraha XFS oo shacabka Soomaaliyeed hadal u jeediyay ka dib markii la soo afjaray falkii alshabaab

0

Ra’isulwasaare Xasan Cali Khayre oo Warbaahinta Qaranka kala hadlay Shacabka Soomaaliyeed kadib markii uusoo kormeeray isbitaallada iyo goobtii Shabaab soo weerartay ayaa u mahad celiyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee bad baadiyey dadkii Shabaab guryagooda ku qabsatay.

Mudane Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale u mahad celiyey dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha badbaadiyey dhaawacyada, sidoo kalena waxa uu u mahad celiyey dadka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqay walaalahood dhibaatadu soo gaartay.