Akhriso:-Meydad cusub oo Laga Soo Saaray Dhismayaashii Al-Shabaab ay Weerareen

0

Meydad horleh ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay laga soo saaray dhimayaashii dagaalyahadda Xarakadda Al-shabaab ay weerareen ee ku yaala Wadada Maka Almukaramah ee Magaaladda Muqdisho.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Alpha Group ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan weerarka shabaab,waxayna toogteen afar dagaalyahan oo la sheegay in ay galeen guri dad shacab ah ay daganaayeen oo ku yaala dabarka dambe ee Hoteelka Maka Almukaramah oo markii hore weerarka lagu qaaday.

Sidoo kale Ciidamadda ayaa Maqaayadda Hilaac UK kasoo saaray Meydka wiil dhalinyaro ahaa oo la shegay in dhismaha uu kusoo dumay,waxaana ka horeeyay meydad kale oo dhismayaasha laga soo saaray.

Saaka waxaa socda howlgal ay wadaan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo lagu hubinayo goobaha shabaab laga saaray,waxaana sidoo kale halkaas ku sugan Gaadiidka Cagaf cagafta loo yaqaano oo lagu faagayo goobaha burburay sida loogu soo saarayo Meydad looga shakisan yahay.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka,waxayna sheegeen in qaar kamid ah ragii weerarka fuliyay ay Nabadda qabaan.