AKHRISO:- Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn ka dhacday Gobolka Hiiraan

0

Mareykanka ayaa war ka soo saaray duqeyn cirka ah oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ka fuliyeen deegaano ka mid ah Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarka oo dhacay Khamiistii oo Taariikhdu eheyd 28-kii bishii dhamaatay ee February lagu dilay 26 dagaalyahan oo ka mid ah Shabaab.

Weerarkan ayaa dhacay xilli Al-Shabaab ay weeraro qaraxyo ah ka geysteen magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhismayaal ku yaalla Wadada Maka Al-Mukarama.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ma sheegin rasmi ahaan deegaanada ay beegsadeen, balse Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka, ayaa tilmaamay in gantaalada lala dhacay deegaanada Galxamure, Astaan iyo deegaano kale.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo labadii bil ee ugu horeysay sanadkan ee January iyo February ay geysteen 20 weerar oo ay ku dileen ku dhowaad 200 Al-Shabaab ah.