SAWIRRO:-Galmudug oo goobo waxbarasho ka hirgelineysa Koofurta Gobolka Mudug

0

Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Galmudug oo ka jawaabaya Baahiyo Wabarasho oo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ka tabisay dhamaan Deegaanada dhaca Koonfurta Gobolka Mudug ayaa socdaal ay kugu kuurgalayaan Waxbarashada waxay ku mareen in ka badan 20 Tuulo iyo Degmada Hobyo.

Masuuliyiinta ayaa Koleej lagu baran doono Fidinta Diinta Islaamka ka furay Degaanka Ceelguula oo hoos taga Degmada Hobyo, waxaana munaasabadda ka qeyb galay Maamulka Deegaanka iyo Culumo  si weyn looga yaqaan Gobolka.

Uqaabilsanaha Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ee Gobolka Mudug, Axmed Jaamac Aadan ayaa sheegay inay ka go’an tahay Wasaaradda Tayaynta Waxbarashada Gobolka,wuxuuna ku ammaanay dedaalka ay Bulshadu waddo.

Shiikh Muxiyidiin Yuuusuf Bare, oo ka mid aas-aasayaasha Waxbarashada Gobolka Mudug ayaa ka warramaya hirgelinta Koleejla iyo Shaqada uu qaban doono maadaama Shacabku ay isku tashateen.

Agaasimaha Waxbarashada Tooska ah ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug C/qani Cartan, ayaa ku dhiirro gelaiyay Bulshada inay kor u qaadaan Waxbarashada ayna Garab taagan tahay Wasaaradda Waxbarashadu.

Waa markii ugu horreeysay ee Wasaaradda Waxbarasha Galmudug ay ka jawaabto warbixinno taxana ah  oo la xariira baahiyo Waxbarasho oo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ka diyaarisay Koonfurta Gobolka Mudug.