SAWIRRO:-Ciidamada DFS oo soo badbaadiyey shacab dhismayaal ku go’doomay

0

Ciidamada amniga dowlada Somalia ayaa saaka soo badbaadiyey qoysas ku go’doonsanaa illaa xalay gurigooda oo ku dhegan maqaayada hilaac UK iyo hotelka Maka Al Mukarama oo ay galeen dabley ka tirsan Al-Shabaab.

Qoysaskan oo ka koobnaa caruur, dad waayeel ah iyo dhalinyaro ayaa waxaa ka mid ah qoyska reer Shideeye oo degaanka caan ka ah, waxaana la sheegay iney dableyda Al-shabaab galeen gurigooda xalay.

Gudaha guriga ay degenaayeen qoysaskan ayaa waxaa ka muuqday burbur xoogan oo ka dhashay rasaas xoog leh oo la isweydaarsaday, waxaana ku dhaawacmay 3 ka mid ah qoyska halka ilmo yarna uu ku dhintay sida ay sheegeen xubno ka tirsan dadka la soo badbaadiyey.

Labo qarax oo kale iyo rasaas culus ayaa goor dhow ka dhacay goobta uu weerarku ka socdo, iyadoo ciidamada dowladu ay weli la tacaalayaan qaar ka mid ah dableyda oo iska caabin sameynaya.

Ciidamada amniga ayaa sheegay iney laayeen inta badan dableydii weerarka soo qaaday balse uu jiro mid ka mid ah dableyda oo isagoo dhaawac ah soo ridaya rasaas iyo bambooyin.