Akhriso:-Rasaas wali la maqlayo wadada maka al-mukarama ee Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo xalay lagu weeraray mid ka mid ah dhismo u dhow hotelka Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho,waxaana qaraxyadaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida wariyaal goobta tagay ay soo sheegayaan

Gaari laga soo buuxiyey waxyaabah qarxa ayaa lagu dhuftay darbiga Maqaaxi ku dhegan Hotelka Maka Al-Mukarama iyo Hilaac Uk,waxaana sidoo kale jirtay in rag hubeysan oo la sheegay inay Al-Shabaab ahaayeen ay galeen dhismaha,isla mnarkaana weli rasaas laga maqlayo.

Ku dhawaad 20 qof ayaa la xaqiijiyay in ay qaraxaasi ku geeriyoodeen halka, 40 kalana ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkii ka socda Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.