Qadar Oo Cambaareysay Qaraxyadii Maka Al Mukarama

0

Dowladda Qadar ayaa si xoogan u cambareeysay weeraro khasaaro geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

War qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda xukuuamda Dooxa ayaa ugu horreyn loogu tacsiyeeyay ehelladii dadkoodu ku geeriyoodeen weeraradaasi.

Qadar oo dadkii weeraradaasi ku dhaawacmay u rajeysay caafimaad deg deg ah, ayaa sheegtay in ay xoojineyso taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Faafaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhaawac iyo midka dhimasho ee weeraradaasi ka dhashay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dhaawacyada kor u dhaafayaan 30 ruux, halka dhimashada lagu qiyaasayo ilaa 20 ruux, maadaama goobta ay wax ka dhaceen ay aheyd meel saxmad badan.

Al-shabaab ayaa dusha saaratay mas’uuliyada falkaan, oo noqonaya mid kamid ah kuwii ugu cuslaa oo ka dhaca caasimada sanadkaan