Hogaamiyaha Jubbaland oo ka hadlay Weerarkii Ka Dhacay Muqdisho

0

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa cambaareeyay Weerarkii Al-shabaab xalay ay ka geysteen Magaalada Muqdisho, kaas uu sheegay in lagu dilay dad aan waxba galabsan oo nolol maalmeedka la halgamayay.

Axmed madoobe  wuxuu Allah uga rajeeyay in naxariistii jano uu ka waraabiyo dadka goobta ku dhintay kuwa dhaawacmayna uu caafimaad taam ah siiyo.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan wakhtigan adag oo ay garab istaagan dadka uu dhibku gaaray oo ay la qaybsadaan xaalada ay ku sugan yihiin isagoo sheegay in Al-shabaab isku duubni iyo wadajir lagaga adkaan karo.