DHAGEYSO:-Maxaa kusoo kordhay qaraxyadii ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama

0

Waxaa wali cakiran in dadka qaar oo go’doonsan kasoo baxaan dhismayaasha ku dhow Hotel Maka Al Mukarama, iyadoo burbur lixaadle uu ka muuqdo dhismayaasha u dhow halka xalay qaraxa xoogan uu ka dhacay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in xaaladda waxyeelada ay intaasi ka badan laheyd, balse mid kamid ah dadka ku sugnaa hotelka Hillaac UK ayaa sheegay in dadweynaha uu ku wargeliyay inay ka cararaan goobta kadib markuu ka shakiyay gaari si xoogan ku socday oo gaadiidka dhex jiirayay.

“Khasaaraha wuu ka badan lahaa intaan ee ruux ku sugnaa goobta ayaa ku qeyliyay “Ka cararaa waa gaari qaraxe” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadkii ka badbaaday weerarkii xalay dhacay.

Dhaawacyo badan ayaa yaala isbitaalada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood u baahan inay dhiigag helaan, waxaana ciidamada xalay ay xireen waddooyin badan oo ku yaala Maka Al Mukarama, maadaama gaari laga shakiyay uu goobta yaalay.

Hoos ka dhageyso codka saaka sida xaalku yahay