SAWIRRO:-Ciidanka Dowladda Soomaaliya Oo Soo Afjaray Weerarkii Ka Socday Magaalada Muqdisho

0

Ciidamada Ammaanka dowlada Soomaaliya ayaa soo afjaray howlgal xalay ilaa iyo maanta ay ka wadeen dhismooyin ku yaalla Wadada aadka u Mashquulka badan ee Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho,halkaasi oo ay rag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowlada oo ku sugan goobta ay shaqaaqadu ka dhacday ayaa xaqiijiyay in dhammaan la toogtay ragii weerarka soo qaaday,kuwaasi muddo ku dhow 22 Saacadood ka dhex dagaalamayay dhisyo ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama.