Ciidamada amaanka oo toogtay qaar ka mid ah Raggii Weerarka soo qaaday

0

Faahfahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar bilowday qarax oo Al-Shabaab ay ku weerareen dhismayaal ku yaala wadada Maka Al- mukarama ee Magaalada Muqdisho.

In ka badan 13 saac ayaa waxaa uu weerar ka socdaa wadada maka Al-mukarama, iyadoona Ciidamada dowladda ay howlgalka ka wadaan goobta uu weerarka ka socda.

Inta la xaqiijiyay 20 qof ayaa ku geeriyootay, halka afartameeyo kale ay ku dhaawacmeen.

Dadkii ku dhaawacmay weerar ayaa waxaa la geeyay isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho
Warar hordhaca ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay toogteen sedex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, inkastoo wali dhismo ku yaala wadada maka Al-mukarama uu ka dagaalamayo hal dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.