Akhriso:-Xasan Sheekh iyo sheekh Shariif oo qoraallo kasoo saaray weerarkii Muqdisho Ka Dhacay

0

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraallo ka soo saaray qaraxyadii iyo weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qoraalka Xasan Sheekh

Anigoo aad uga murugoonaya weerarkii ay argagaxisadu ku xasuuqeen dadka rayidka ah, ayagoo noloshooda caadiga ku jirana ku laayay wadada Makah Al Mukaramah ayaa waxaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa murugada xanuunka badan ee soo wajahday, saameynta adagna nagu dhalisay.

Inta dhimatay ilaahay ha u naxariisto, ehelkoodiina samir iyo iimaan eebe haka siiyo, inta dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah ayaan eebe uga baryayaa.

Waa nasiib darro aad u weyn in maalin weliba ay argagaxisada aan diin iyo damiir Soomaalinimo midna laheyn ay dadkeena wax galka ah micno darro ku xasuuqaan, waxaan ugu baaqayaa laamaha amaanka ee dowladda federaalka in ay xoojiyaan mas’uuliyadda ka saaran badbaadinta shacabka, shacabkana waxaan ugu baaqayaa in ay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sugida amaanka iyo in meel looga soo wada jeesto bahalada caadeystay xasuuqa dadkeena.
Bulshadeena Soomaaliyeed oo ah bulsho wanaaga jecel, isna garab istaaga xiliyada daruufaha adag ay jiraan ayaa waxaan ku boorinayaa in ay tagaan Isbitaalada si ay dhiig ugu shubaan walaalaha dhaawacu kasoo gaaray qaraxa.

إنا لله وإنا إليه راجعون

Qoraal Sheekh Shariif

Bismillah! INAA LILLAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Waxaan murugada la wadaagayaa walaalahayga Soomaaliyeed ee argagixisadu ay ku gumaaddey Magaalada Muqdisho caawa.

Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkaas wuxuushnimada ah aniga oo tacsi u dirayo guud ahaan umadda Soomaaliyeed, waxaan leeyahay walaalihii ku dhintay Allaha u naxariisto, kuwa dhaawacana allaha noo bogsiiyo.

Waxaan ugu baaqayaa bulshada qaybaheeda kala duwan iyo dowladdaba in gacmaha la isku qabsado sidii cadowgan looga guulaysan lahaa.

Dhammaanteed waxaa noo wada wanaagsan Soomaaliya oo xasilloon, gacmaha is haysata una midooba cadowga duullaanka ku ah amniga iyo dowladnimada Soomaaliya.