Akhriso:-Duqeyn xalay ka dhacday Gobalka Hiiraan

0

Ciidamada dowlada oo soo badbaadiyey shacab dhismayaal ku go’doomay

Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka hiiraan oo ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Deegaanada ay duqeynta ka dhacday ayaa waxaa ka mid ah Galxamure, Astaan iyo degaano kale oo hoostaga Magaalada Beledweyne ee Gobalka hiiraan

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku shirsanaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ee gaaray Al-Shabaabkii la duqeeyay.

Mareykanka ayaa waxaa ay kordhiyeen weerarada ay ka fulinayaan deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan oo ay joogaan Al-Shabaab.