Dowladda soomaaliya oo war ka soo saartay falkii lagula kacay marxuumad Caa’isho

0

olaha Wasiirrada XFS ayaa maanta shirkoodii ay yeesheen oo uu shir guddoominayay ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre waxay ku cambaareeyeen falkaas waxshinimada ah.

Xukuumadda ayaa ku boorrisay dowlad- goboleedka Puntland in ay dadaal badan geliso sidii loo soo qaban lahaa caddaaladdana loo hor keeni lahaa kuwii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii bahalnimada ahaa ee lagula kacay marxuumad Caa’isho oo 12 jir ahayd.

Golaha xukuumadda ayaa laamaha ammaanka iyo garsoorka ee dowladda federaalka faray in ay hay’adaha kale kala shaqeeyaan sidoo loo soo afjari lahaa tacadiyada noocan oo kale ah.