AKHRISO:- Madaxweyne Farmaajo Oo U Hambalyeeyay Dhigiisa Dalka Nigeria

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu bartiis Twitter-ka ugu hambalyeeyey dhigiisa dalka Nigeria, Maxamadu Buhaari, oo mar kale dib loogu doortay Xilkaasi.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inuu dalka Nigeeria yahay Isbahaysi Taariikhi oo xooggan, isla markaana doonayaan inuu sii xoogeysto Xiriirkaasi.

Qoraalka uu Madaxweyne Farmaajo soo dhigay Twitter-kiisa waxa uu mar kale ugu hambalyeeyey Madaxweyne Buhaari, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo inay wada-shaqeyaan.