AKHRISO:- Gaadiid farabadan oo ku xayiran deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

0

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Gaadiidkii ugu badnaa ay ku xayiran yihiin inta u dhaxeysa Magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan ee Gobolkaasi Hiiraan.

Gaadiidkaas ayaa darawada qaar waxa ay sheegeen in ay u xayiran yihiin sababo la xiriira lacago dheeri ah oo uu kusoo rogay Maamulka Gobolka Hiiraan,hayeeshee Gaadiidleydu aysan bixin karin.

“Runtii Gaadiid farabadan ayaa ku xiyiran inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Matabaan,maamulka ayaa lacago farabadan ka rabo mana awoodno,waxay noo sheegeen in lacagtaas lagu dhisayo buundada u dhaxeysa matabaan iyo baladweyne oo burbursan ayuu yiri mid ka mid ah darawalada gadiidkaas.”

Mas’uuliiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan ayaan la xiriirnay si aan wax uga weeydiino,hayeeshee kama jawaabin taleefoonadeena,waxaana tani ay kusoo aadeysaa xilli darawalada qaar ay ka cabanayeen isbarooyin lacago farabadan looga qaado.