DHAGEYSO:-DFS Oo Ka Hadashay Dadkii Lagu Dilay Duleedka Muqdisho

0

General C/laahi Xasan Bariise taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha Booliska Soomaaliya oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa ka hadlay falkii maalin ka hor lagu laayay dad ka shaqeynayay olole nadaafadeed oo lagu dilay inta u dhexeysa Ceelasha Biyaha iyo Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho.

Generaal Bariise ayaa sheegay in dadkaasi oo gaarayay illaa 9 ruux ay u shaqeynayeen mid ka mid ah hay’adaha ka howlgala dalka.