AKHRISO:- Madaxweyne laftagareen oo furay kal-fadhiga 7aad ee Golaha Wakiilada

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa Maanta oo Isniin ah waxa uu Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uu k furay Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas.

Sidoo kale Kulanka waxaa ku sugnaa Inta badan Xildhibaanada Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye,iyada oo ay khubad ka jeediyeen Madaxweyne laftagareen iyo mas’uuliyiin kale.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka  Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa kulanka Maanta ee Baarlamaanka ka sheegay in Maalinta Arbacadah ah ee soo socota la horgeyn doono Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed si ay u ansixiyaan ama u diidaan.

Madaxweyne Cabdi Casan laftagareen ayaa dhankiisa waxa uu Xildhibaanada ka codsaday inay u ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan magacaabay,si howlaha kale ee Maamulka uu u sii wado.