Mareykanka oo sheegtay inuu 4 weerar ka geystay gobolka Shabelaha Hoose

0

Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee Africom ayaa war ka soo saaray 4 weerar oo xalay ay ka geysteen deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal lagu daabacay Twitterka Africom, ayaa lagu sheegay in weerarada laba kamid ah ay ka dhaceen deegaanka Kuunya Baroow, mid kale lala eegtay Awdheegle, halka weerarka 4-aadna uu ka dhacay deegaanka Janaale.

Mareykanka waxa uu sheegtay iney baabi’iyeen goobo Shabaabka ay Canshuuro ku qaadi jireen, wuxuuna khasaraaha ku sheegay oo kaliya dhimashada laba dagaalame oo Shabaab ah.

Howlgalka oo saqdii dhexe ee xalay dhacay ayaa Mareykanka waxa uu sheegtay iney hoggaaminayeen Ciidamada Soomaalida, iyaguna taageerayeen oo kaliya.

Mareykanka waxa uu ugu danbeyn sheegtay inuu sii wadayo weerarada dhinaca cirka ah ee ka dhanka ah Shabaab, kuwaasoo ujeedka laga leeyahay ay tahay sidii loogu taageeri lahaa Ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada iney ka adkaadaan Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo qirtay jiritaanka weeraradaas, ayaa meesha ka saartay wararka sheegaya in khasaare uu ka soo gaaray duqeynta, waxaana ay tilmaameen in duqeynta ka dhacday Kuunya Barow ay waxyeelo gaarsiisay dad shacab ah, isla markaana ay ku dhinteen saddex ruux oo mid carruur ahaa, Macalin Dugsi iyo qof deegaanka ah, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo laba kale.