Wadooyinka Magaaladda Muqdisho oo Saakay Xiran

0

Ciidamadda Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah wadooyinka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Isgoysyadda Taleex, Soobe,Banaadir, Howlwadaag iyo isgoysyo kale oo ku yaala Magaaladda ayaa saakay xiran.

Qaar kamid ah dadkii kusoo lugeeyay wadooyinka xiran ayaa sheegay in wadooyinka ciidamo badan la keeenay islamarkaaana dadka lugtooda adeegsanayaan.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay shacabkeeda ku wargalinin xirnaanshaha wadooyinka Magaaladda ayaa hadana Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal-degaya sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda.