Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore

0

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa uga tacsiyadeeyay ehalada,Xildhibaanada Baarlamaanka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo Muqdisho lagu dilay.

Sidoo kale,Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore.

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa gelinkii dambe ee maanta waxay kooxo dhagar qabayaal ah ku dileen magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa laamaha amniga faray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga.