DHAGEYSO+SAWIRRO:-Madaxweyne Xaaf Oo Ku Laabtay Gaalkacyo Weerar Afka Ahna Ku Qaaday DFS

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo maalmahan dambe safar shaqo ku joogay dalka Keynya ayaa Maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha oo safarkiisa ka warbixiyay ayaa waxa u sheegay in uu Keynya kula soo kulmay Hay’addaha deeq-bixiyaasha ah ayna u balan qaadan in hada kadib Galmudug xaquuqda ay leedahay heli doonto ayna kala shaqeyn doonaan hormarka iyo dhismaha Galmudug.

Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in Dowlada Federaalka ah balamihii ay galeen waxba ka suuragali waayeen waxa uu intaasi ku daray in wada-hadalkii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ku dhexmaray Garoowe aaney weli fulin.