AKHRISO:- Ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya oo welwel soo wajahay

0

Muranka ku saleysan Badda ee ka dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa saacaddihii ugu dambeeyay Xoogeystay, waxaana taasi ay cabsi weyn ku abuurtay Ganacsatada Soomaaliyeed ee Sanadyadii ugu dambeeyay maalgalin weyn ku sameeyay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Welwelka ugu badan ayaa yimid ka dib markii Shalay galinkii dambe Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Monica Juma ay sheegtay in ay jiri karto cunaqabateyn ay ku soo rogaan Soomaaliya, taasoo ku xiran hadba sida ay noqoto jawaabta ay xukuumadda Muqdisho ka bixiso sharraxaadda laga sugayo.

Qaar ka mid ah Ganacsatadda Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Nairobi ayaa Risaala u sheegay in ay qabaan welwel ku aadan in uu saameeyo Xiriirka sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dadka ganacsiyadda waa weyn ku leh Magaalada Nairobi, waxaa ka mid ah Xildhibaano iyo Wasiir ka tirsan dowladda, kuwaasoo si joogto ah u tagga Nairobi.

Qaar ka mid ah Duplomaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa aaminsan in cunaqabateynta Kenya ay noqon karto mid lagu soo roggo shakhsiyaad heysta dhalashada Kenya, islamarkaana xilal ka haaya dowlada dhexe ee Soomaaliya.