Wasiirka Gaadiidka & duulista hawada Somaliaya oo la kulmay madaxda Gobolka Minnesota

0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Dalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar iyo  wafdi uu hoggaaminayo ayaa  booqday Magaalada, Saint Paul ee Gobolka Minnesota Dalka maraykanka.

Madaxda uu la kulmay Wasiirka waxaa ka mid ahaa Xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka,  keith Ellison, Xildhibaan Mohamuud Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Soomaalida ah ee laga so doorto Gobolka Minnesota, Guddoomiyaha Guddiga Gaadidka Hawada Golaha wakiilada ee Gobolkaas , Mr Frank Hornstein.

Kullanka Wasiirka iyo  Madaxda Gobolka Minnesota oo Saacado qaatay waxay kaga wada hadleen iskaashiga Labada Dal, horumarka Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota iyo Gudaha Soomaaliya.

Wasiir, Oomaar, ayaa Xeer ilaaliya u sheegay in Dalka Soomaaliya uu soo hagaagayo, Dowladda Soomaaliyana ay ku dhaqaaday horumar la taaban karo, sidaa darteedna uu marti qaad u fidiyey Xeer Ilaali  guud Mudane,  Kieth Ellison, oo kal hore yimid Dalkeenna.

M; Keith Allison, Xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka Minnesota , ayaa sheegay in uu booqon doono Dalka Soomaaliya mar kale, wuxuuna wasiirka iyo marti sharafta kaleba uga mahad celiyay sidii diirranayd ee munaasabaddaasi loogu casuumay iyo sida loo maamuusay.

Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka Hawada gollaha Shacabka ee Gobolka Minnesota,  Xildhibaan Frank Hornstein ayaa  dhankiisa soo dhaweeyey dedaallada ay waddio wasaaradda duulista hawada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in kulankii dhex maray isaga iyo wasiir Oomaar ay iskula soo qaadeen sidii laysaga kaashan lahaa horumarinta Labada dhinac.

”Mahacaygu waa Franka Hornstein waxaan ahay Gudoomiyaha Guddiga Gaadiidka hawada ee Golaha Wakiilada Gobolka Minnesota, waana ku faraxsannahay in aan soo dhaweeyo wasiirka Wasaaradda gaadiidka Hawada Soomaaliya, waxaana is dhaafsannay wax yaalo badan oo muhiim in aan wada qaban doonno  si wada jir ah,  tan kale waxaa i xiisa galinaysa in aan  maqlo  in  la ballaarinayo qalabka hawadda Muqdisho, si ay ugu fududaato in Dad badan ay Soomaaliya soo booqdaan”

Sidoo kale Wasiirka ayaa la kulmay Gollaha Degaanka Magaalada Magaalada, Saint Paul,  waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey  Guddoomiyaha Degmada Lixaad ee Magaalada ,Saint Paul,  Qaasim Busuri , oo ah Soomaaliga kaliya ee ku jira  gollaha Degaanka Magaallo Madaxda Gobolka, Waxaana Wasiirka ku Weheliyey  Xogahaya koowaad Safaaradda Somalia ay ku leedahay dalka Mareykanka Mudane Abdirahman Bashiir.

Wasiirka oo ka qeyb galay Casha sharaf ay u sameeyeen ganacsatada  Soomaaliyeed iyo wax garadka Gobolka Minnesota, wuxuuna Wasiirku uga warramay xaaladda Dalka iyo doorka ay ka qaaadan karaan qurba joogta Soomaaliyeed dib u dhiska iyo dar-dargalinta horumarka Dalkeena Hooyo.