Uhuru Kenyatta oo markii u horeysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee Somalia iyo Kenya

0

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada diblumaasiyadeed ee dalkiisa kala dhexeeya Soomaaliya, kaasoo sababay in Safiirada labada dal ay caasimadahooda dib ugu kala laabtaan.

Uhuru Kenyatta oo galabta guddoominayay shirka Golaha Wasiirada Kenya ayaa sheegay inuu Guddi u saaray khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya, kuwaasoo soo baari doona halka ay iskala qaadeen labada dal iyo sida ay tahay in loo wajaho.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Golihiisa Wasiirada ayaa isku raacay in la sameeyo Guddi farsamo oo ka socda dalka Kenya, kuwaasoo shaqadooda ay noqoneyso sidii ay xal wadahadal ah ugu dhameyn lahaayeen khilaafka diblumaasiyadeed ee kala dhexeeya Xukuumada Soomaaliya.