SAWIRRO:-Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Asluubta Dalka Suudan oo soo gaaray Muqdisho

0

Wafdi uu horkacayo Taliyaha Ciidanka Asluubta ee wadanka Suudan Sareye Guud Xatim Alnuur Cabdulqaadir ayaa soo garay magaalada Muqdisho, iyadoo socdalkiisa ay ku wehlinayeen ku-xigeenadiisa  iyo sarakiil ka tirsan ciidanka Asluubta Suudaan kaddib casuumaad uu ka helay  Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Taliyaha Ciidanka Asluubta  ee dalka Suudaan  iyo wafdigiisa ayaa maalinta beri ah waxay ka qeyb galidoonaan xuska maalinta ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku asteysan 22 February oo ah markii la aas aasay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Sareye Guud Xatim Alnuur Cabdulqaadir ayaa sheegay in socdalkiisa uu ku qotomo ka qeybgalka munaasabadad Ciidanka Asluubta, islamarkana ay isdhafsan doonaan asiga iyo dhigiisa qibradaha dhanka ciidanka.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa uga mahadceliyay Taliyaha booqashada uu ku yimid iyo sida uu u aqbalay casuumaddii loo fidiyay.

Xarumaha Ciidanka Asluubta ayaa waxaa ka socda diyaar garoow ku aadan xuska sanad guurada ciidanika Asluubta, iyadoo taliska ciidanka Asluubta munasabadda ku soo bandhigi doonaan waxqabadka sanadkii tegay 2018-ka

Dhanka kale waxaa xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay  Taliyaha ciidanka asluubta  Wadanka Suudaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Dahiir Aadan Cilmi Indhaqarshe, waxaa halkaasi ku sugnaa Taliyaha Ciidamad qalabka sida sarakiil ciidan iyo xildhibaano ka tirsan galaha shacabka