SAWIRRO:-Ciidanka Xoogga Dalka oo Al-Shabaab ka xoreeyay degaanno Hoostaga G/Shabellaha Hoose

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa  Al-Shabaab kala wareegay degaanno hoos yimaada Gobolka Shabellaha Hoose.

Degaanada Al-Shabaab laga xoreeyay ayaa kala ah Kaxarlow, Cali dheere, Xaawo Adduunyo, God doofaar iyo degaanno kale oo hoostaga Degmooyinka Wanla weyn iyo Afgooye.

Howlgalka lagu xoreeyay degaanadaani ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha ururka 35-aad guutada 7-aad ee qeybta 60-aad Gaashaanle Maxamed Cabdullahi Caraaye.

Degaannada lagala wareegay maleyshiyada Al-Shabaab ayaa hore waxa ay dhibaatooyin ugu geysan jireen shacabka, waxaana markii ay deegaannadaas ciidamada xoogga dalka ka sifeeyeen argagixisada Al-Shabaab ay shacabka bilaabeen inay ciidamada soo dhaweeyaan oo ay la wadaagaan xogaha Al-Shabaab.

Taliyaha ururka 35-aad guutada 7-aad ee qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Kornel Maxamed Cabadullahi Caraaye oo Warbaahinta kula hadlay gudaha degaanka Kaxarlow ayaa sheegay in Nabadiidka Al-Shabaab laga xoreeyay degaannada kala ah Kaxarlow cali dheere, Xaawo Adduunyo iyo degaano badan hoostaga gobolka Shabellada Hoose

Korneel Maxamed Cabdullahi Caraaye waxa uu sheegay degaannada laga sifeeyay nabadiidka Al-Shabaab ay ka jiraan dhibaatooyin xagga Nolosha ah, loona baahanyahay in shacabka halkaasi ku nool la gaarsiiyo kaalmo dhinac waliba leh.