Saraakiil loo xiray tacaddiyo loo geystay Suxufiyiin Soomaaliyeed

0

Warbixin uu siiyay Taliyaha Ururka 60-aad Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane; Daahir Maxamuud Geelle, ayaa lagu sheegay in Saddex Sarkaal ay u xiran yihiin tacaddiyadii loo geystay wariyeyaal Soomaaliyeed,18kii Bishan, 2019.

Saddexdan Sarkaal ayaa haatan ku jira Gacanta Laanta Dembi Baarista ee Booliiska Soomaaliyeed, sida ay warbaahintu xogtan ku heshay.