Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland oo ka jawaabay eed uga timid maamulka Baardheere

0

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud sayid Aadan oo ku sugan gobolka Gedo ayaa waxaa uuna si cad ah isaga fogeeyay eed uga timid maamulka Degmada Baardheere Gobalkaasi, taasi oo aheyd in fara gelin uu ku hayo Madaxweynaha Maamulkaasi.

Waxaa uu sheegay madaxweyne ku xigeenka in warkaasi uu yahay mid been abuur ah, islamarkaana waxaa uu meesha ka saaray isbadal maamul uu ku sameeyay maamulka degmada Baardheere, isagoona xusay in hada wax dhibaato ah aysan ka jirin Magaaladaasi.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa shaaca ka qaaday in wax dhibaato oo amni daro ah uusan ka wadin deegaanada ka tirsan gobalka Gedo.