Galmudug Oo Qabatay Nin Dil Ka Geystay Cadaado

0

Hay’addaha amaanka ee Galmudug ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin dil ka geystay magaalada Cadaado.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in shaqsiga ay ku sameyn doonaan baaris isla markaana uu wajihi doono cadaalada.

Ruuxa la qabtay ayaa la sheegay in uu shalay weeraray xarun dhaqan celiyo, halkaasi oo uu ku dilay hal qof, mid kelana uu dhaawacay.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu ahaa maamulihii xaruntaasi, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Macalin Cabdifitaax.

Ninka lasoo wariyay in uu dilka geystay ayaa lagu waramayaa in uu maalmo kahor laga fasaxay xaruntaasi, iyada oo aana la ogeyn sababta ku kaliftay arrintaan.