DHAGEYSO:-Ra’iisal Wasaare Kheyre Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Mucaaradka Dawlada

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane; Xasan Cali Khayre, oo soo xiray shir waynaha soo bandhigidda iyo xaqiijinta hannaanka dhab-u-heshiinta qaran, ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ay u midoobaan dawlad wanaagga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo wasaaradda arrimaha gudaha uga mahadceliyay dhamaystirka hannaanka dhab-u-heshiinta qaranka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay is-waydiiyaan waxa keenay khilaafka bulshada dhan saameeyay, si looga fikiro in dadka Soomaaliyeed ay dib-u-midoobaan, isaga oo hoosta ka xariiqay in isku-duubnida qaybaha kala duwan ee bulshada ay muhiim u tahay hagaajinta dawladnimada, soo celinta sharafta iyo karaamada umadda iyo dib-u-dhiska dalka.