DHAGEYSO:-Khilaafka ka dhex taagan Kenya & Soomaaliya oo gaaray meel xasaasi ah

0

Waxaa sii xumaanaya marba marka ka dambeeya xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, arrintana ay tusaale u tahay hadalka ka soo yeeray dowladda Kenya oo ay ku sheegtay inaysan ku qancin jawaabta dowladda soomaaliya ay ka bixisay eedeentii loo jeediyay xukuumadda soomaaliya ayna cunuqabatayn saari doonto soomaaliya sida ay hadalka kenyaanku u dhigeen.

Ambassador C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa waxaa uu sheegay in hadalka ka soo yeeray Kenya inay tahay mid ay ka dambeeyaan hay’addo iyo dowladdo kale, kuwaasi oo doonaya inay iska horkeenaan soomaaliya iyo Kenya si uu xiriirkooda u sii xumaado.