DHAGEYSO:-Hogaamiye Axmed Madoobe oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland

0

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulanka golaha Wasirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan oo muhiim ah.

Ugu horayn Arimaha Amniga iyo Siyaasada ayuu hogaamiyuhu golaha uga warbixiyay iyo sida ay tahay xaalada Nabadgalyada deeganada Jubbaland ee xorta ah iyo sidii Hay’adaha ku shaqada leh ay usii adkayn lahayeen.

Gudiga Dakhliga ayaa laga dhagaystay warbixin la xiriirta sida ay u socdaan howlaha dakhliga iyo caqabadaha ilaa hada jira iyadoo golahu uu bogaadiyay dadaalka gudigan isla markana la isku raacay in lasii laba jibaaro shaqada.