Wasiirka Arrimaha Gudaha Sabriye oo ka hadlay wadahadalada Dowlada Federalka iyo Maamulka Somaliland

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa soo sheegay in ay socdaan dadaalo ku aadan in dib loo bilaabo wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland, isla markaana ay qeyb ka noqon doonaan Dhab u heshiisiinta Qaran ee dalka laga hirgelin doono.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in dedaal badan lagu bixiyey sidii loo baajin lahaa loona heshisiin lahaa colaadihii ka jiray deegaanno ka tirsan Galmudug, waxaana Tubta siyaasadda loo dhan yahay qeybta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku xusan Halbeegyada dhaqangelinta Dhab u heshiisiin Qaran.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.