Dilka iyo dhaca shacabka soomaaliyeed ee dalka koonfur afrika oo sii codda

0

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa ku waramaya in 48-saac aynu soo dhaafnay dalkaas dhaawac iyo dil loogu geystay Ganacsato Soomaaliyeed.

Kooxo hubeysnaa oo burcad afrikaan ah ayaa goobahooda Ganacsi ku weeraray dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku yaalay degmadda Mamalodi ee hoos tagta Magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika.

Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah Ganacsatadda, waxaa weerarka ku dhintay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jirey Yuusuf Sheekh Maxamed halka dhaawac uu kusoo gaaray Ganacsade lagu koobay magaciisa Cabduqaadir.