Alshabaab Iyo Ciidamada DFS Oo Ku Dagaalamay Degmada Balcad

0

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Alshabaab ayaa xalay degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe waxaana dagaalka xoogiisu uu ka dhacay fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin meel ku dhow buundada degmada.

Khasaaro iskugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray dhinacyada dagaalamay sida dadka deegaanku ay u sheegeen warbaahinta ,iyada oo dagaalka xoogiisu uu socday ku dhawaad 30-daqiiqo.

Wararka saaka ka imaanaya Balcad ayaa sheegaya in uu howlgal ka socdo xaafado ka tirsan degmadaas gaara ahaana xaafadaha ku dhow kuwii dagaalku uu ka dhacay