AKHRISO:- Muwaadin Somali Oo Dacwad Ka Gudbiyey Safaarad Ku Taalla London Oo Ku Xadgudubtay…

0

Wiil uu dhalay Muwaadin Somali-British oo muddo 20-sanno ah shaqaale ka ahaa Safaaradda Dowladda Qatar ayaa doonayaa in qoyskiisa lagu taageero Dhaqaale, si ay u sii wadaan Dacwadda ka dhanka ah Safaaradda Qatar.

Wiilka Aabihiisa oo lagu magacaabo Maxamuud Axmed oo 79-jir ah waxa Safaaradda Qatar ee u shaqeynayey muddo 20-sano laga ruqseeyey sannadkii 2015-kii.

Maxamuud Axmed oo ah Muwaadin British ah waxa uu ku eedeeyey in Madaxii Waaxda Daaweynta ee Safaaradda Qatar ee xilligaasi oo lagu magacaabo C/llaahi Al-ansaari, kaasi oo uu sheegay inuu isaga ugu yeeri jirey Dameeryahow iyo Eeyahow iyo inuu ugu yaraan 2 jeer soo weeraray.

Dacwadda Dhibanahaasi ayaa la sheegay inay Maxkamaduhu ka gaabsadee, sababo la xiriira Xasaanadda Diplomaasiyiinta iyo Shuruucda Xiriirka Caalamka awgiis.

Dhibane Maxamuud Axmed oo in ka badan ku noolaa dalka Britain ayaa sheegay in bishii August ee sannadkii 2013-kii uu Diplomaasiga ka tirsan Safaaradda Qatar ugu yeeray Dameer, Eey iyo Addoonkii Madoobaa, isla markaana markii uu Aflagaadaaasi ka dacwoodayna laga ruqseeyey Safaaradda Qatar ee uu shaqaalaha ka ahaa.

Warbaahinta dalka Britain iyo Caalamka ayaa qoray in Qoyska Maxamuud Axmed ay weli sugayaan haddii Maxkamad ku taalla gudaha dalka Britain qaadi doonaan Kisikaasi.