Akhriso:-Guddoomiye Cusub Oo Loo Magacaabay Degmada Luuq

0

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Hogaamiye ku xigeenka ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa lagu magacaabay Guddoomiyaha degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Maxamed Cabdullaahi Gardhuub ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Degmada Luuq,kaasi oo badalaya Maxamed Xasan Cusmaan oo ahaa Guddoomiyihii hore ee degmadaas.