AKHRISO:- Haweeney Ka Ganacsata Foolka Maroodiga Oo La Xukumay

0

Maxkamad ku taalla dalka Tanzania waxay Xabsi 15 sanno ah ku riday Haweeney Ganacsato ah oo u dhalatay dalka Shiinaha, taasi oo lagu qabtay in ka badan 350 Foolasha Maroodiga oo ay si qarsoodi ah kaga saari lahayd dalkaasi

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Yang Feng Galan oo 69-jir ah waxaa lala xukumay 2 nin oo Tanzaaniyaan ah, oo iyaga u fududeynayey inay dhoofiso Foolasha Maroodiga oo lagu qiimeeyey 5.6 million oo dollar.

Haweeneydaasi oo lagu naanayso Boqoradda Foolasha Maroodiga waxaa loo gudbiyey Xabsiga Dhexe ee Ukongo oo ku yaalla caasimadda dalka Tanzania ee Darasalaam, halkaasi oo la filayo inay ku dhamaysato Xabsigeeda 15-ka Sanno ah.