SAWIRRO:-Shirweynaha Qaran ee soo Bandhigidda iyo Xaqiijinta Hanaanka dhab-u-heshiisiinta oo Muqdisho ka furmay

0

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee soo bandhigidda iyo Xaqiijinta Hanaanka dhab-u-heshiisiinta Qaran, kaas oo socon doona Sedex Maalin.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay kulanka, waxaana kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, Wakiilo ka socda Maamul goboleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir.

Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay Natiijooyinka kasoo baxay Shirar dib u heshiisiin ah oo hore loogu qabtay qaar ka mid ah Gobolada Dalka iyo Gobalka Banaadir.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa wada tashiyo la yeelatay Qeybaha kala duwan ee Bulshada Bartamihii sanadkii tagay 2018, iyadoo kaashaneysa Dowlad Gobaleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka iyo Maamulka Gobalka Banaadir.

14-Wada tashi ayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ku qabatay Magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Dhuusamareen, Jowhar iyo Baydhabo, waxaana ka qeyb galay in ka badan 700-qof, iyadoona Talooyinkooda la qoray dad kor u dhaafaya 250-qof, oo qaarkood soo jeediyay Siyaasad cad oo lagu wajihi karo Dib u heshiisiinta Bulsho, oo  u gogol xaareysa in dadka wax kala tabanaya ay iscafiyaan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdixaashi Cabdulaahi, ayaa ku amaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye Waqtiga uu galiyay howlaha dib-u-heshisiinta mudadii uu xilka hayay, isagoona kula dardaarmay ka qeyb galayaasha inay Shirka kasoo saaraan waxyaabo faa’iido u ah Dhab-u-Hesheesiinta Umadda.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Wasiirka Arrimaha Guddaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dastuurka XFS Cabdi raxmaan Xoosh Jabriil, Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Cabdulaahi Xamuud, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal iyo Masuuliyiin kale ayaa ka mid ah Masuuliyiinta ka qeyb galay Furitaanka Shirweynaha Qaran ee soo bandhigida iyo xaqiijinta Dhab-u-heshisiinta Qaran.