SAWIRRO:-Saraakiisha sare ee Ciidanka Booliska oo loo furay Siminaar ku saabsan Ilaalinta Xaquuqda Aadanaha

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maanta Saraakiisha sare ee Ciidanka Booliska u furay Siminaar lagu baranayo dhowrista Xaquuqda Aadanaha Xilliyada ay ku jiraan Waajibaadka Shaqo ee loo xilsaaray.

Siminaarkaan oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa waxaa  Casharo ka bixinaya Xubin sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Dawladda Ingiriiska oo aqoon gaar ah u leh arrimaha Xaquuqda Aadanaha.

Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sharaxaad ka Warbixiyey ujeedka Siminaarkaan, isaggoo tilmaamay in Ciidanka Booliska ay yihiin xubno ka yimid Bulshadda, islamarkaana ay waajib ku tahay inay ilaaliyaan Xaquuqda Aadanaha.