SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Burundi

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Burundi ayaa waxaa casho soo dhaweyn ah oo lagu maamuusayo isaga iyo wafdigiisa u sameeyay dhiggiisa dalkan Mudane Pierre Nkurunziza.

Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Burundi Pierre Nkurunziza ayaa kulan ay yeesheen waxa ay uga  wada hadleen xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada.

Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Wafdiga la socda Madaxweyne Farmaajo ee ku sugan Magaalada Bujumbuura ee Dalka Burundi ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.