Dagaal ka dhacay Gobalka Hiiraan

0

Faahfaahino dheeraad ah  ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay agagaarka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxaa uu u dhexeeyay Ciidamada Jabuuti oo garab ka helaya kuwa dowladda iyo dagaalamayaal  ka tirsan Al Shabaab.

Waxaana la sheegay in dagaalkan uu yimid, kadib markii qarax Miino Al Shabaab ay la eegteen kolonyo ka tirsan Ciidamada Jabuuti oo marayay duleedka degmadaasi, kadibna uu xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegten masuuliyada dagaaklii ka dhacay Gobalka Hiiraan.

Warbaahinta Taageerta Al-Shabaab ayaa sheegay in Dagaalkaasi ay ciidamada Jabuuti khasaaro ku gaarsiiyeen.