Akhriso:-Taliye Cusub Oo Loo Magacaabay Ciidanka Taraafikada

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” ayaa waxa uu Taliye cusub u magacaabay Ciidanka Ilaaladda Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Muddooyinkii dambe aan laheyn wax Taliye ah.

Generaal Maxamed Xuseen Madaale ayaa loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Wadooyinka ee Taraafikadda ee Magaalada Muqdisho.

Generaal Madaale ayaa waxa uu kamid ah yahay Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,isagoona horey u soo qabtay xilal kala duwan oo uu kamid ah ahaa Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.