Xisbiga ILAYS Oo Taageeray Mowqifka Ay DFS Ka Qaadatay Go’aankii Dowlada Kenya

0

Xisbi-siyaasadeedka ILAYS ee uu hoggaamiyo Siyaasiga  Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali  waxay maanta War-saxaafadeed ka soo saaray  Khilaafka diplomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dowladaha Somalia iyo Kenya

Xisbiga Ilays waxay taageereen Mowqifka caqli-galka ah ee ay DFS ka qaadatay Khilaafka Diplomaasiyadeed ee muranka dhaliyey.

Xisbiga ILAYS waxay kaloo soo dhaweeyeen, isla markaana taageereen Diplomaasiyadda iyo Siyaasadda debecsan ee ay DFS ka qaadatay Go’aankii Kenya ee  Khilaafka dhaliyey.

War-saxaafadeedka Xisbiga ILAYS  waxaa lagu xusay in loo baahan yahay in si wadajir ah loo dhowro Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, oo ah mid ku dhisan Walaaltinimo iyo Derisnimo soo-jireen ah oo aan si fudud ku kala go’i karin.

Xisbi-siyaasadeedka ILAYS waxay kaloo ku baaqeen in Khilaafka iyo Isafagaran-waa’ga jira lagu xaliyo Jawi deggan, lana xoojiyo Iskaashiga labada Waddan ee Somalia iyo Kenya.