SAWIRRO:-Sidee Madaxweyne Farmaajo Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Burundi

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Burundi,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay,kadib markii martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Bujumbuura ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dalka  Burundi Mudane Pierre Nkurunziza iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada.

Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, si ay isaga kaashadaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay wadaagaan, isuna weydaarsadaan khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska.