DHAGEYSO:-Dilal Ka Dhacay Degmada Afgooye & Howlgal Ka Socda

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dishay Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada dowlada.

Dilkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Xaafad ka tirsan degmadaasi,isla markaana rag hubeysn ay toogteen sarkaalka oo ka tirsanaa Ciidamada Asluubta xili oo ku sugnaa halkaasi.

Ragii ka dambeeyay dilka ka dhacay Degmada Afgooye ayaa durbo goobta si deg deg ah uga baxsaday,iyagoona halkaasi ay gaareen Ciidamo ka tirsan dowlada oo qaaday Meydka Sarkaalka la dilay.