SAWIRRO:-Madaxweynaha K/Galbeed oo Baydhabo ku daah-furay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Sagaalaad

0

Maadaxweynaha Maamaulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta ayaa maanta magalaada Baydhabo ka daah-furay wareegga koowaad ee Wadatashiga Qorshaha horumarinta Qaranka Sagalaad.

Kulanka lagu daah-furayay Qorshaha horumarinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed  Soomaaliya, Masuulayiin ka socda Hay’adaha dowlad-gobaleedka iyo ururada Bulshada.

Madaxda maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeyay wadatashiga Qorshaha horumarinta Qaranka oo lagu dhageysano baahiyahooda, si loogu daro waxyaabaha ahmiyada u leh qorshaha horumarinta Qaranka Sagalaad.

Agaasumaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudne Asad Yusuf Qanyare ayaa sheegay in hadafka ugu wayn ay halkaan u soo gaareen ay tahay in ay dhageystaan bulshadda maamulkan si qorshaha horuamrinta Qaranka waxyaabaha hor tabinta leh loogu daro qorshaha  Qaranka.

“Waxaan halkan joogi doonaa mudo afar maalmood ah innagoo dhageysan doona ururada buslahda rayidka qeybahooda kala duwan,rugta ganacsatada,Hay’adaha dowladda iyo Baarlmaanka, waxaana isla eegi doona Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad”ayuu yari Agaasime Asad Yusuf Qaranyare.

Madaxeeyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren ayaa bogaadiyay shaqada adag ee maanta ka bilaabatay dowladd gobaleedka K/Galbeed.

“Waxaan ku faraxsanahay shaqada wanaagsan ee ay wado Wasaaradda Qorsheynta oo muhiimad u leh dalka, waxaan bulshada maamulka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha maamaulka ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan wasaaradda si waxyaabaha aan dooneyno wax looga qabto “ayuu yari mudane Laftagareen.